Latest

6/recent/ticker-posts

DIYAARADA MADAXWAYNAHA RUUSHKA PUTIN UU SAMEYSTAY INUU ISAGA ILAALIYO SAAMEYNTA NUGLİYEERKA

DIYAARADA MADAXWAYNAHA RUUSHKA PUTIN UU SAMEYSTAY INUU ISAGA ILAALIYO SAAMEYNTA NUGLİYEERKA

Waligaa ma isweydiisay haddii uu dhaco dagaal la isku adeegsado hubka sida ba’an wax u gumaada ee nugliyeerka ah, xagee madaxda wax hogaamisa dalalka haysta hubkaan gaar ahaan Mareykana iyo Ruushu ka hagayaan dalalkooda maxaa yeelay in la isku adeegsado hubkaan waxay ka dhigan tahay in dalalka loo adeegsado uu gaarayo burbur aysan cidna malaysan karin uu hilfaha ulaabaya nooc kasta oo ay noloshu leedahay o oka jirta dalalkaasi, haddaba haddii la bar tilmaamesto magaalo madaxda dalalkaan xagee ku dambeenayaa madaxweynaha iyo saraakiisha cidan ee hogaaminaya dalkaasi.

dabcan su’aashan oo kale Ruushu iyo Mareykankuba waxay isku weydiiyeen horey waxayna go’aan ku gaareen in labada dalba ay sameystaan diyaarado loo yaqaano *DİYAARADAHA MAALİNTA QİYAAME* oo u ogolaanaysa madaxda dalalkan inay ka hagaan dalkooda samada sare si ay uga hortagaan in dalalkoodu noqdaan hogaan la’aan loogana adkaado dagaalka,

Diyaaradahaan ayaynu maanta ka sheekeyn doona waxa ay yihiin iyo diyaarad kasta waxa ay dheertahay tan kale. 

Dalalka Mareykanka iyo Ruushka ayaa sameystay diyaaradahan loo yaqaano *MAALİNTA QİYAAME* si ay gabaad ugu noqdaan masuuliyiinta sarsare ee dalkaasi sida madax weynaha ku xigeenkiisa iyo saraakiisha ugu sareysa ciidanka, haddii uu dhaco dagaal la isku adeegsado hubka nugliyeerka ah waxayna diyaaradahani u suurta galinayaan inay ka hagaan halkaasi ciidamadooda si uusan dalkooda u noqon hogaan la’aan uusana ugu imaan ciidanka kala tafaraaruq.

DIYAARADA MADAXWAYNAHA RUUSHKA PUTIN UU SAMEYSTAY INUU ISAGA ILAALIYO SAAMEYNTA NUGLİYEERKA

İnkasta oo ay labada dalba isugu geeyaan diyaaradahaan awoodoodii ugu sareysay una adeegsadeen tiknoolajiyad noocii ugu dambeysay haddana waxaa jira farqi u dhaxeeya labadan diyaaradood ee ay kala leeyihiin Ruushka iyo Mareykanka.

Haddii aynu ku horeyno diyaarada loo yaqaano *MAALİNTA QİYAAME* ee uu leeyahay Mareykanku, diyaaradan ayaa ah nooca loo yaqaano EFORB747 waxayna inbadan ka duwantahay diyaarada IFORS1 taaso loogu talo galay booqashooyinka caadiga ah ee madaxwaynaha mareykanka, waxaana diyaaradan qiimaheedu uu dhan yahay 223 milyan oo dollar, diyaaradan ayaa awood u leh in ay sameyso dulimaad ama ay hawada ku jirto mudo dhan 7 maalmood oo xiriir ah waxayna leedahay agab u sahlaya hawl wadeenada diyaarada iyo madaxda saaranba, in ay si fudud xiriir ula sameeyaan meel kasta oo caalamka ka mid ah sidoo kale diyaaradan ayaa waxaa ku rakiban hub aad casri u ah taaso u tuurto galinaysa in ay ka awood badato dhamaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka Mareykanka, waxaana loo sameeyay qaab aysan waxyeelo uga soo gaari karin duulaanada nugliyeer ama awood kasta oo ciidan oo loo adeegsado.

Waxyaalaha layaabka leh ee ay leedahay diyaaradan ayaa ah in matoorkeeda la damin 24 saac ee maalintii haddii aynu si kale u dhahno 365 ta maalmood ee uu ka kooban yahay sanadku, diyaaradan way shidan tahay oo marna lama damin matoorkeeda tan iyo maalintii la sameeyaya sida lagu daabacay warbixin ay ka sameysay shabakada BBC da qaybteeda ku hadasha luuqada English ka ah.

Dhanka kale haddii aynu eegno diyaarada dhigeeda ah ee uu leeyahay Ruushku ee ayadana loo yaqaaano *MAALİNTA QİYAAMAHA* ayaa la bilaabay sameeynteeda xiligii uu socday dagaalkii qaboobaa, waxayna Moscow u nashqadeysay ama u diyaarisay inay noqoto mid adkeysi leh oo u adkeysan karta duruuf kasta oo dagaal oo soo wajahda waxayna si joogta ah ugu sameysaa hormarin si hogaanka sare ee dawlada ay ugu noqoto goob amni ah oo ay ka hagi karaan dalka kana bixiyaan amarada ciidamada.

DIYAARADA MADAXWAYNAHA RUUSHKA PUTIN UU SAMEYSTAY INUU ISAGA ILAALIYO SAAMEYNTA NUGLİYEERKA

Ruushka ayaa isbadel ku sameeyay noocii hore ee diyaaradan oo xambaarsaneed sumada e L80 taaso shaqeenaysay ilaa 80 maadkii iyo wixii ka dambeeyay waxaana hadda loo badalay nooca xambaarsan sumada M496 taaso ah mid ka hormarsan kana casrisan tii hore, waxayna awood u leedahay in ay hawada sare ku jirto mudo 8 maalmood ah, sidoo kale waxay awood u leedahay in ay toos xiriir ula sameeyso ciidamada nugliyeerka ee dalkaasi waxaana xusid mudan inaysan diyaaradan lahayn wax daaqado ah.

Post a Comment

3 Comments