Latest

6/recent/ticker-posts

XIKMADO BADALI DOONA NOLOSHAADA

 


1.     Waligaa ha u ooyin qof qalbigaaga dhaawacay oo kaa tagay, u dhoolacadee kuna dheh, waad mahadsan tahay sidaad fursad iigu siisay inaan helo qof kaa fiican.

 

2.     Waligaa ha nicin dadka kaa maseyrsan, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inaad ka fiican tahay.

 

3.     Qofna ha u sheegin qorshayaashaada balse taa badalkeeda tus natiijooyinkaaga aad gaadho.

 

4.     Ha quusan hana is dhiibin, maalintaadu way iman doontaa, waqti oo kaliya ayaa kaa xiga.

 

5.     Haddii aad qof caawinayso oo aad ka filayso inaad badalkeeda ka hesho, waxaad samaynaysaa ganacsi ee naxariis maad sameyn.

 

6.     Badanaa xasuusnow in xaalada aad hada ku sugan tahay aanay ahayn tii ugu dambaysa noloshaada. Wixii kuugu fiicnaa way kuu soo socdaan.

 

7.     Waa inaad mugdi ku jirtaa ka hor inta aanay cadceedu kuusoo bixin.

 

8.     Aaskayga ha iman si aad ii tusto inta aad i danaynaysay, balse intaan noolahay een ifka joogo itus inta aad danaynayso.

 

9.     Waligaa ha jawaabin markaad cadhaysan tahay, waligaa balan ha qaadin markaad faraxsan tahay, waligaa go’aan ha qaadan markaad murugaysan tahay.

 

10.  Jooji inaad daacadnimo ka rajayso dadka aan ku siin karin daacadnimada.

 

11.  Noloshu way gaaban tahay, waqtiguna wuu cararayaa, dıbna looma soo celin karo sidaa awgeed ku raaxayso kana faaideyso waqti kasta oo kusoo mara.

 

12.  Ha quusan bilowgu badanaa waa waxa ugu adag.

 

13.  Dhibaatooyinka noloshu kuuguma yimaadaan inay ku burburiyaan, balse waxay kuugu yimaadaan inay kaa caawiyaan inaad ogaato kartidaada iyo awoodahaaga.

 

14.  Xanuun iyo dhibaato kastaa cashar ayuu kuu noqdaa, cashar kastana wuxuu badalaa qofka noloshiisa.

 

15.  Waligaa ha joojin inaad waxbarato sababtoo ah noloshu ma joojiso inay wax ku barto.

 

16.  Waxaa jira hal qof oo kaliya oo waligaa kaa dhigi kara qof faraxsan, qofkaasina waa adiga.

 

17.  Casharada noloshu way bkugu soo noqnoqon doonaa ilaa aad wax ka baranayso.

 

18.  Haddii aad rabto inaad hesho waaxanad waligaa hore u helin waa inaad samaysaa waxaanad waligaa hore u sameyn.

 

19.  Wabigu kuma jaro dhagaxa awoodiisa, balse waxa uu ku jaraa adkaysigiisa.

 

20.  Aqliyada xoogani waxay ka doodaan fikradaha, aqliyada dhexena waxay ka  doodaan dhacdooyinka, aqliyada daciifka ahina waxay ka doodaan dadka.

 

21.  Wax qabadyada aad inta ugu badan ka fogaataa waa kuwa ay ku jiraan fursadahaaga ugu weyni.

 

22.  Maanta qabo waxaanay kuwa kale qabanayn, si aad bari u qabato waxaanay  kuwa kale qaban karin.

 

23.  Fogaantu makala fogeyso dadka, aamusnaanta ayaa kala fogeysa.

 

24.  Ha aaminin dadka kuu sheega dadka kale sirahooda.

 

25.  Socdaalka kumanaanka mayl ahi wuxuu ka bilawdaa hal talaabo.

 

26.  Aqoontu way hadashaa balse xikmadu way dhagaysataa.

 

27.  Waligaa haka dhexgalin cadawgaaga marka uu khalad samaynayo.

 

28.  Mustaqbalkaaga waxa abuura waxa aad maanta samayso, maaha waxaad bari samayn doonto.

 

29.  Waligaa been ha u sheegin qof ku aamina, waligaana ha aaminin qof been kuu sheega.

 

30.  Halganka aad maanta ku jirtaa wuxuu horumarinayaa xooga aad bari u baahan tahay.

 

 

 

Post a Comment

2 Comments