Latest

6/recent/ticker-posts

30 ORAAH OO GUUSHA IYO NOLOSHA LAGA YIRI

 


30 xigmadood oo muhiim ah lagana yiri nolosha iyo guusha, xikmada Ilaahay cidu doono ayuu u hibeeya diinta ay doonto ha haysato cidaas. Waxaan xoogga saareynaa xikmadaha iyo oraahyada casriga ku saabsan hormarka iyo guusha. Mu’minku waxa uu raadinaaayo waa xikmad. 


1. Marka aad go’aansato in aad bilowdo hawl markaas ayay wadooyinku kuu furmi, muhiimadu waa in aad bilawdo. 


2. Iska indho tir shey walba oo kaa fogenaya in aad farxad ku noolaato, xorna ahow waligaa . 


3. Ahow sidda aad tahay waxaadan aheyn ha iska dhigin ciddii kugu jeclaanaysa arinkaasi hakugu jeclaato, ciddii kugu nacaysana hakugu nacdo. 


4. Waxa aad hiigsaneyso oo aad ku riyoonayso 24 saac ayaad noqon waadna xaqiijin. 


5. Dadka guuleystay ma ahan kuwa guusha muuqata xaqiijiyo, waa kuwa aanan isdhiibin markey fashilmaan ee mar labaad ku celiyo si ay u xaqiijiyaan guul. 


6. Haddaad dareento in daruufaha oo dhan lid kugu yihiin, dadku kaa hor imaadeen waxaad ogataa in diyaaradu u duusho cagsiga dhinaca ay dabeyshu usocoto, u dabaalo dhinaca hirka ka imaanayo gacantaadana ku jeex wadadii aad mari laheyd. 


7. Haddaadan ku qanacsaneyn meesha aad joogto hadda, shaqadaada meesha aad ku nooshahay dhaqaaq ma tihid geed mesha ka baxay. 


8. Markaad qarka u fuusho in aad isdhiibto oo aad ku dhawaaqdo in aad fashilmatay waxaad xasuusataa kuwa badan oo ku faraxsan in ay ku arkaan adiga oo is dhiibay oo fashilmay. 


9. Ha ahaan mid jilicsan oo dharbaaxo kasta dhulka dhigeyso naxdintu ay dhabarka ka jabineyso, fashilka isku dhiibaayo noqo qof karti leh wakhti waxaan joogna aanan aqbaleynin qof jilicsan. 


10. Hawl aad qaban laheyd maanta bari ha la sugin markii laga reebo, sheyga aadan rabin in aad qabato inta aad nooshahay, kama adkaan kartid qof aan quusaneyn.  


11. Waligaa xooganow dhoola cadee kuwa jalaafada kula maagan ha is weydiyaan sidduu wali u dhoola cadeynaya. 


12. Doontu waa amaan markey xeebta ku xiran tahay, laakiin looma sameynin arikaas. 


13. Dadka khibrada leh wax ka baro sababtoo ah ma noolaanaysid wakhti kugu filan si aad wax walba aad u barato, waxa arin muhiim ah in aad dadka khibradaha leh wax aad ka faideysato. 


14. Qof markuu hadlaayo dhageeyso si aad u fahanto waxa uu sheegaayo ha u dhageysanin si aad ugu jawaabto hadaadan diyaar u aheyn. 


15. Haddaadan diyaar u aheyn in aad is miidaamiso xiliyada qaar haddaba diyaar u noqo in aad ahaato qof caadiya, dadka guuleystay waa kuwa aanan ka baqin khatarta waa kuwa is miidaamiya ee aanan ka gabanin waxa dadka kale khatarta u arkaan. 


16. Waan xaqiijin karnaa dhamaan waxa aan ku taameyno ku riyoonayno, hadaan leenahay qanaaco dhaba oo ah inaan arinkaas xaqiijin karno. 


17. Maadama aad socoto dhaqaaqeyso muhiim ma ahan xawaaraha aad ku socoto, muhiimadu waa in aad socoto oo aadan istaagin ugu dambeyna waad gaari. 


18. Guushu waa in fashilba fashil kuu dhiibo lakiin aadan is dhiibin, aadan luminin xamaasadaada si u xaqiijiso waxa aad dooneyso. 


19. Ma fashilmin waxaan ogaaday keliya kun wado oo aanan lagu gaareynin guul, sidaas darted fashilku waa wadada loo maro guusha. 


20. Mustaqbalka waxaa iska leh kuwa maanta shaqeeya dadaala maskaxdoodana miira . 


21. Fashilka ama guuldarada waa wadada guusha loo maro. 


22. Sirta ugu weyn ee guul lagu gaaro noloshan waa in aad ogaato waxa lagaa rabo in aad sameyso, kadibna ku dhaqaaqdo. 


23. Hadda rabto in aad noqoto qof aan laga maarmin oo muhiim ah hadaba noqo qof ka duwan dadka kale. 


24. Dhulku cariiri kuma ahan qof socdo oo dhaqaaqaayo isbadal raadinaayo caqligiisana adeegsanaayo. 


25. Hadaad rabto aragtida qaanso roobaadka waa in aad u dulqaadataa dhibacaha roobka taas oo ah hadaad rabto wax wanaagsan qurux iyo guul waa in aad u dulqaadata dhibaatada iyo caqabadaha kaso horeeya. 


26. Xirashada suud qurxoon laguma noqdo ‘’business man’’ ama nin hantiile ah waa in aad naftaada run u sheegtaa afkaartaada ka run sheegtaa qiimeysaana mabadidaada. 


27. Bilow hadda waxa aad rabto in aad bilowdo muhiim ma ahan qalabka aad heysato awoodaadana muhiim ma ahan, muhiimadu waa in aad bilowdo wax kasta ayagaa hagaagaya. 


28. Labada maalin ee ugu muhiimsan bini aadamka waa malinta uu dhashay iyo maalinta uu ogaado sababta uu u dhashay. 


29. Laba labeynta waa caqabada ugu weyn ee kaa hor taagan in aad guuleysato, hadaadan waligaa fashilmin waxay ka dhigan tahay in aadan waligaa wax cusub tajaabinin, ma rabtaa in aadan guuldareysan oo aadan fashilmin hadaba gurigaaga hasoo dhaafin waxna ha qabanin gacmaha isa saaro ma fashilmeysid, 20 sano ama 10 sano kadib waxaad ka shalaayi hawlaha adan qabanin ka badan ka shalaayida aad ka shalaayaso kuwa aad qabatay. 


30. Talaabada ugu horeysa ee aad guul ku gaareyso waa in aadan isu dhiibin duruufaha kugu hareereysan, kufitaanku wuxuu daliil u yahay in aad socoto, waligaa ma maqashay qof fadhiya oo taranturooday waligaa ma maqashay qof fadhiya oo kufay, maya dabcan *wixii rag qasdo rabbina aqbalo waa rumoobaan* maahmaah soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments