Latest

6/recent/ticker-posts

10 ASTAAMOOD OO AY GAAR U LEYIHIIN DADKA GULEYSTAY


Waxaa hubaal ah in guushu ay tahay arin iyo mab da uu qof kasta jecel yahay inu gaaro, balse waxaa lagu kala duwan yahay dariiqyada lagu raadiyo iyo xeeladaha la adeegsado si loo gaaro hayaankan aadamaha oodhami ay ka simany yahay, maalin walba oo ay qoraxdu soo baxdo maalin cusub na ay dhalato wuxu aadamaha oo dhami u jarmaada raadinta iyo dhameystirka loolanka oo uu kula jiro nolosha, saldhigiisuna yahay gaarida fiinta sare ee guusha, lakiin cida guusha gaadha waa dadka hormuudka ah ee lagu daydo ama inta badan lagu hamiyo in la gaaro marxalada ay ku sugan yihiin oo xaqiijiyey riyooyinkoodi oo ku guleystay yagleelida noloshii ay in badan ku taamayeen dadkoo dhamina ay farta isku fiiqeen, iney yihiin kuwo ka gun gaaray hayaankii guusha. 

Qoraalkeena maanta waxan kusoo qaadaneyna 10 ka mid ah astaamaha ay leeyihiin dadka guulaha gaara, si aan inaguna raadkooda u qaadno. 


1. MARNABA MARMARSIIYO LAMA YIMAADAN 

Haddii aad dhab ahaantii raadinayso guul waa in aad joojisaa cudur daarada iyo marmarsiiyaha aad cuskaneyso, waayo waxba kama faaideysid balse dib ayey kuu dhigeysaa, tusaale ahaan is weydii haddii ay manta shaqo kuu taalo ugu dambeyna shaqadaasi lagaa rabo in aad bari soo gudbisid ma u tafo xeydanaysaa dhameeynta iyo fulinta shaqadaasi mise waxaad ahaaneysaa mid ku marmarsiyooda duruufaha aan dhamaadka laheyn ee sida joogtada ah maalin walba inoo wajahaya, dabcan waxaad noqonaysaa mid waaya kalsoonida shaqadiisa wax guul ah na aan ka xaqiijin nolosha. Ahow mar walba akhriste mid alle tala saarta, tiigsigiisana ku toosan waa hubaal inaad qaadatay talabadii kowaad ee hayaanka dalka badan ee guusha. 


2. MAR WALBA WAXAY U ROON YIHIIN DADKA KALE 

Dadka badanaa nolosha guulaha ka gaaray waxay wax u taraan dadka kale waayo heerka ay gaareen kuma gaarin keligood ee waxay ku gaareen caawimaad iyo gacan qabasho uga timid dadka kale, sidaasi awgeed ahow mar walba mid gacan qabta dadka xiliyada uu awooda u leeyahay gacan qabashadooda, waa hubaal in ay kuu fureyso qalbiyada dadka aad la nooshahay sidoo kalena ay kuu hor seedeyso caaqibo suuban. 


3. SHAQO AAN KALA GO’ LAHAYN 

Marka ay liibanayaashu ama guuleystayaashu usocdaan in ay xaqiijiyaan yididiilooyinkooda, waxay u shaqeyaan habeen iyo maali si aan kala go laheyn, ma daalaan mana caajisaan ilaa ay xaqiijiyaan waxa ay raadinayaan dadkani waxa ay tosaan habeenkii si ay u raadiyaan yididiiladooda isla markaana waxaad aragtaa iyagoo subixiina arinkan raad guridiisana ku jira, ha sugin guul adigoo badalkeeda la imaan shaqo badan oo caqli iyo xeeladi ay ku dheehantahay. 


4. AWOOD IYO KARTI SARRAYSA 

Haddii aad dib u raad gurtid tariikhda waxaad helaysaa in dhamaan guulaha la gaaray wakhti kasta ay ku hareereysan tahay awood iyo karti si aad u heer sareysa, taasi oo ka dhigta dadka guulahaasi gaarey ay marba marka ka danbeysa usii dhawaadan heerka ay hiigsanayaan, iyagoo isla markaasina awoodoodu sii kordheysay. 


5. WAXAY LEEYIHIIN MABDA’ 

Waxa ugu weyn ee guulaha gaarsiiyey dadkii nolosha horay guusha uga gaarey, waxaa weye mabadi’dooda, mabda’aagu waa waxa horay ku socod siiya kuguna caawiya in aad gaadhid yididiiladaada, noqo qof mabda’ leh sida in mabda’aagu uu noqdo ka guul gaadhida waxbarashada ama sameysashada ganacsigaaga kuu gaarka ah, si aad u noqotid mid isagu wax shaqaaleysiiya ama in aad noqotid mid saamen ku dhex leh bulshadiisa, kana shaqeya hormarkooda. Ogsoonowna mabda’u waa kan kaa dhigeya qof miisaan leh.  


6. IIMAAN ADAG OO SAHAL LAGU RIDI KARIN 

Cidda guulaha waaweyn u saaxiibka ahi iimaankooda ama waxa ay ka aaminsanyihin yididiiladoodu marnaba kama habaaban ama kama leexdaan, in badan oo noloshooda ka mid ah ayey la kulmeen cid ka shakida cid dhaleceeysa iyo cid wax xun u shegtaba balse iska daa in ay arintani cabsi gelisee waxay ku sii caawisa in ay ku sii adkeystaan yididiladooda iyo shaqada oo ay kordhiyaan, isla markaana wadaan ilaa ay ka gaaran guusha ay rabaan, waxaana tusaale inoogu filan Nabigeeni subanaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee waxay ku tuhmeen dadkiisu waali iyo tilmaamo aan suubaneen si ay uga leexiyaan jidkii uu hayey, lakiin mabda’ uu xambaarsanaa kama dhigin mid ku marin habaaba ereyadaasi iyo tilmamahaasi ilaa uu ugu danbeyn guuleystay dhambaalkii uu wadayna uu gaarey adduunka daafihisa oo dhan, Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate. 


7. WAXAY SAMAYSTAAN SABAB GUUSHA KU RIIXDA 

Cid kasta oo guul gaadhay waxaa ka dambeeysay sabab ku dhalisay in ay heerka gaaran sababtaasi oo dhimbiil ka dhex shida maskaxda qalbiga iyo ruuxda qofka, saanu u fariisan ilaa uu gaaro heerka uu tiigsanaayo, una dhaafo dhibaatoyinka kaga imaanaya arinkan sabab tiisa, inkastoo anay guushu u bahneyn sabab joogta ah, haddana in qofkaa ay riixayso sabab uu ku doonayo xiqiijinta guusha. Waxay ka mid tahay sifooyinka uu leeyahay hayaankani. 


8. BAADHIS MUG DHEER 

Dadka guuleysta waxa ay aad u darsaan amaba ay u baaran waxa ay rabaan in ay gaadhaan oo ay xaqiijiyaan si ay si fudud u rumeeyaan riyooyinkooda iyo yididiladooda, waxay ku suman yihiin wax akhris joogta ah iyo kobcinta garaadkooda si ay awood u yeeshaan, ogaanshiyaha khibradihii iyo tijaabooyinkii ee ay soo mareen kuwii iyaga ka horeeyey . 


9. GARAB MARIDA DHIBAATOOYINKA  

Dadka guuleystay waxa ay si fudud u garab maraan dhibaatooyinka soo wajaha oo ma noqdaan qaar halkaasi ku joogsama oo yididiiladooda kaga hara dhibaatada ay la kulmeen awgeed, balse waxay sii gelisa xamaasad iyo awood dheeri ah oo ay horey ugu socdaan. 


10. ALLE KA CABSI IYO CIBAADO SUUBAN 

Kani waa qodobka ugu muhiimsan uguna misaanka culus dhamaan waxa aan kor kusoo xusnay, talaabaha loo maro guusha nolosha adduunyo ama qofka sida dhabta ah u guuleysta waa qofka qodobada kore ku dhaqma balse aasaaskiisa koowaad ka dhigta Alle ka cabsi iyo cibaado suuban, taasi oo kuu horseedaysa in wax walba oo dadaal adduunyo ah aanay ku ilowsiin aakhiradaada, isla markaana aad u marto jidka saxda ah ee Alle SWT uu raali ka yahay guuleystaha halyeeyga ahina waa qofka dunida ka gaarey meel sare oo dadku ku daydaan aakhirana janadiisa ku tamashleeya. 


Ugu dambeyn akhriste haddii aad leedahay sumadahaasi an kor kusoo xusnay ama qayb ka mid ah ogow in aad heysid dhabada guusha ee ay ku riyoodayaan qaadideeda aadamaha oo dhami ahow mar walba mid kobciya naftiisa, kor u qaada garaadkiisa si aad u gaartid meel aanu gaarin qof kaa horeyay , guushu mar walba ha ahaato garabkiina.

Post a Comment

0 Comments