Latest

6/recent/ticker-posts

RAJO GUUL LAGUMA GAARO

 


Guushu ma ahan wax sidii dabeyshii mar iyo laba kusoo mara oo aad Oxygen ahaan aad u qaadanaysid, Mana ahan bidhaan cadceeded maalin kusoo baxda lakiin waa miro dhadhan macaan oo dheef suuban. 


Kuwaas oo ku waran xayndaab adag, xeradaasi waxaa ilaalo ka haya wax aan u naqaano caqabadaha wardiyayaashasi, nina gudo galka xerada iyo gurashada miraha caad roon uguma fasaxaan hayb garasho iyo itaal-muuqeed toona. 


Balse waxaa gudaha udhaafa oo keliya ninkii la yimaada fal kasta oo ay tix-geliyaan, niyadsami muuq walba oo ay u riyaaqaan, caqli arag walba oo ay la dhacaan iyo oraah dhawaq walba oo soo jiita. 


Waxaad ku dhex nooshahay qarni nolosha adduunyo lagu jaan-gooyo maado. Bal eeg haddaa sabool tahay ama aadan aheyn guuleyste magac leh waxaad arki doontaa inaysan cidna dhawri doonin shakhsiyadaada iyo qof ahaantadaba, balse hadda tahay shakhsi hanti u saaxiib ah, ama magac iyo xirfad ku suman waxaad arki doonta, iyada oo ay dadku kuu sacab-tumayaan kuuna adeegayaan. 


Bal adiguba garo akhriste sirta ku jirta guushii MAYKAL JORDAN oo ahaa shakhsigii ugu xariifsanaa ciyaaraha kubada Kolayga ee dalka Mareykanka, wuxuu mushahar ahaan u qaadan jiray sanadkiiba in ka badan 15million oo dollar, makula tahay inuu ku gaaray heerkaas meel-fadhi. MAYKAL JORDAN wuxuu yiri inbadan ayaan ku fashilmay oo aan ku fashilmay socdaalkii noloshayda taasina waa sababta aan u guleystay. 


Akhriste bal eeg sido kale MO FARAH waa shakhsi kusoo caanbaxay ciyaraha orodada kuna guleystay bilado badan, waana nin nolosha kasoo bilaabay meel hoose ilaa uu ka gaaray darajo sare, wuxuuna noqday xidig sharaf weyn usoo jiiday dalka Ingriiska. Balse adiga iyo MO FARAH maxaad ku kala duwantihiin? Ma isledahay meel fadhi iyo xaglo laaban ayuu ku gaaray guusha, ma waxay kula tahay in guushu ay iska timaado iyada oo an loo halgamin.  


Adduunyadan aad ku dhex nooshahay waa aduunyo ku dhisan socod, wax walba waxay ku jiraan hanaan socod dheer waxayna la socdaan wakhtiga. AXMED SHAWQI wuxuu leeyahay xigmad aad u muhiim ah taaso ah himiladaada laguma gaaro rajo balse waa loo halgamaa. 


waxaa hubaal ah in qof walba oo guul radiye ah la gudboon tahay in uu la yimaado tobnaan aragtiyeed dulqaad iyo dadaal dheeri ah si aad u gaartid yoolkaaga waxa kula gudboon, in aad ka dheeratid tobnaan aragtiyeed iyo qof walba oo aaminsan ka walwalka guldareysiga iyo in aad ka socdaashid cimiladu guldaradu kugu bajinaysa. 


Ma dhacdo qof niyad xun oo tagtadiisi hore xumed ku mashquulsani in uu gulesyto. Qoraaga la yiraahdo IBRAHIIM AL FIQI ayaa buggaag uu qoray waxa ka mid ah buug uu ugu magac daray Fikirka wanaagsan, wuxuuna qaybo ka mid ah buuggisa uu kusoo qaatay qiso yar oo dhex martay labo wiil oo dhalinyaro ah oo meel kawada shaqeynaayay, waxaana la kala oran jiray Munjim iyo Samiir labadan dhalinyarada ah muddo markii ay meel kawada shaqeynaayen ayaaa waxa dhacday in shirkadii ay uwada shaqeynaayen maamulkeedi ay u yeeran waxaana lagu yiri shaqadiini waanu ka maaranay waana fasaxantihiin. 


Markii ay shirkadi arintan labadii dhalinyarada ahaa ay u sheegtay aad bay uga walaaceen mid ka mid ah dhalinyaradii ayaa wuxuu yiri haddii shirkadani shaqadi ay inaga ceyrisay, bariba haddii Alle idmo shaqo kale ayaan helaynaa, sidii aan tanba u helnayba ee aan raadsano. 


Halka uu kii kalena yiri may sheekadu sidan ma ahan meeshan shaqo lagama heli karo maxaa yeelay, in shaqo laga raadsado aadbay u adagtahay oo shaqooyinku way wada buxaan cid ina qaadanaysana ma jirto, nimanka maamulka shirkada ka ahna way ina dulmiyeen halkaas ayuu ka galay sheekadii. 


Nimankii dhalin yarada ahaa way kala tageen kii dhica fiicna wax ka eegayay markiiba shaqo ayuu raadsaday oo wuu hawl galay, meelo badan ayuu codsiyo shaqo u qortay, wuxuu mudo raadinaayeba wuxuu shaqo ka helay bangi wuxuu shaqadaasi bangiga wadana wuxuu noqday mid dalaca oo kor uga sii socda shaqadiisi hore ilaa uu ka noqday maamulaha farac ka mid ah faracyadii ama laamihi bangiga. 


Wiilki kale wuxu ku danbeeyay walaac iyo walbahaar iyo in maalin kasta uu ku celceliyo waa la I dulmiyay, si khaldan ayaa shaqadii la iga eryey ilaa ay noloshi ku noqotay mugdi wuxuuna wayey shaqo waxaa ku yaraatay huradadi wuxuuna noqday qof isku buuqa ama uu ku dhaco xanuunka loo yaqaanon stresska, adiguba waad garowsan karta akhriste dulucda sheekadaan iyo farqiga u dheexeya labadan qof ee midna uu eegay dhinaca suuban iftiinkuna uu ka xigo midna uu lugaha iska dabray, cafimaadkiisi iyo wakhtigiisina uu ku seegay ku celcelinta oraahyo qomameyn iyo walbahaar ah oo wakhtigoodi laga soo gudbay. 


Sida tariikhda ku xusan 11 kii iyo bar subaxnimo 29 kii bishii 5aad 1953 dii waxa ay aheyd markii uu noqday HILLARY qofkii ugu horeeyay ee kora fiinta sare ee buurta adduunka ugu dheer wuxuuna noqday mid lagu barto cashirkiisi lama ilwaanka ahaa iskoolada, jaamacadaha iyo goobaha waxbarasho ee adduunka. Walow ay jecelyihiin dadka dul saaran addunka guudkiisa dhadhanka guusha, haddana way dhib badantahy u adkeeysiga dacarta guuldaradu wana hubaal sirta kala duwanaashaha aadamaha in ay tahay midaasi.  


Marwalba oo uu marin soo xirmo waa in aad xal u heshaa sidii aad umari laheyd marin kale, kaasi oo kugu sugaya halkii aad hiigsaneysay adiga oo aan dhimeyn xawaarahaaga. 


Dad badan ayay seetaysay tijaabada guuldaradu, kuwaasi waa kuwa guuldarestayaasha dhabta ah iyaga oo u dhow guusha ayay isku dhiiban mawjadaha niyad jabka, markaasi ayay wajahaan guuldarada dhabta ah. 


Ha is dhiibin maxaa yeelay ma ogid inta uu ku jiro salaanka guushu, adiga oo inbadan saarna baddaha dadaalka yaysan ku curyaamin oo aysan sabab u noqon geerida yoolkaga dad kale. 


 Oraahyo warta aya waxay shegaysaa, ku dabar noloshaada yoolal oo haku dabrin dadyow maxaa yeelay dadku way tegayaan halka yoolashu ay waligood ku wehelinayan, ogowna haddii adan is xasuusin malin walba himilooyinkaaga,ugu danbeyntii waxay isku badali doonan rajo, rajaduna waxay calaamad u tahay qofka aan jamashada laheyn.



Post a Comment

0 Comments